Ururka Boko Xaraam oo sii daayey 82-kamid ah gabdhihii Iskuuleyda ahaa

Date:

Sideetan iyo laba ka mid ah gabdhihii iskuulayda ahaa ee sanadkii 2014 laga afduubtay magaalada Chibok, ayaa waxaa soo daayay ururka Boko Xaraam, waxaana hadda gacanta ku haya milateriga Nigeria, sida ay  sheegeen ila wareedyo.

Sii deyntan gabdhahan ayaa ka dhalatay wadaxaajood dhex maray dowladda Nigeria iyo ururka Boko Xaraam.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gabdhaha gawaari looga soo qaaday deegaan go’doon ah, ka dibna la geeyay saldhig ciidan oo ku yaalla Banki, taasoo u dhaw soohdinta ay Nigeria la leedahay Cameroon.

Waa markii labaad oo ay dowladda Nigeria ku guulaysato soo celinta qaar ka mid ah gabdhihii laga qafaashay Chibok.

Bishii Oktoobar ee sanadkii hore ayaa waxaa wadahadal dheer ka dib ay Boko Xaraam soo daysay 21 gabdhood.

Qaar badan oo ka mid qoysaska Chibok ayaa ku farxi doona warka soo daynta gabdhaha, balse waxaa weli maqan in ka badan boqol gabdhood.

Inkastoo ay arrinta gabdhaha Chibok soo jiidatay indhaha caalamka, aya haddana waxaa jira kumannaan qof oo ay Boko Xaraam afduubatay sideedii sano ee ay dagaalka waday.

Xigasho: BBC Somali

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....