Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo sagootiyay Ergeyga Jaamacadda Carabta oo muddo xileedkiisa shaqo ay dhammaatay

Date:

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa maanta si rasmi ah u sagootiyay Madaxa Ergada Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdalla Idriis oo muddo xileedkiisa shaqo ay ka idlaatay.

Xafladda oo qado sharaf aheyd, laguna sagootinayay Ambassador Mohamed Abdalla Idris ayaa waxaa ka qeybgalay Safiirrada dalalka carbeed iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Turkey ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi ayaa bogaadiyay howlqabadkii Danjire Idris iyo kaalinta Jaamacadda Carabta ay ka qaadatay iskuduwidda taageerada Carbeed ee Soomaaliya.

Mudane, Cabdulqaadir Axmed-Kheyr ayaa muujiyay baahida dowladdiisu u qabto xoojinta iyo dardargelinta dadaalada Jaamacadda Carabta ay ku dooneyso in dhammaan dalalka carbeed ay dib uga furtaan Safaaradihii ay Caasimadda Muqdisho ku lahaayeen muddo 26 sano kahor.

Xafladda sagootinta oo ku dhacday jawi heerkiisu sarreeyo ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Ambassador Ali Mohamed Ali, Agaasimeyeyaasha iyo saraakiisha Waaxyaha Carabta iyo Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...