Howlgal Amaan xaqiijin ah oo xalay laga sameeyey qeybo kamid ah Muqdisho

Date:

Taliska qeybta guud ee  ciidanka Booliska gobalka Benaadir ayaa howgalko ka fuliyay isgoysyada magaalada Muqdisho iyo degmada kaxda ee gobalka Benaadir.

Ujeedada howgalkan ayaa waxuuu ahaa xaqiijinta amaanka caasimada iyo hanaanka ay u sugaan ciidamada amniga muqdisho.

Taliyaha qeybta Guud ee ciidanka Booliska,  saraakiisha amaanka  iyo gudoomiyaha Kaxda ayaa ku gaaf wareegay Wadooyinka Degmadaasi iyadoo ka sameyay howgal kooban ay ku xaqiininayen amaanka degmada.

Taliyaha Qeybta Galbeed ee ciidanka Booliska gobalka Benaadir Gaashanle Sare Maxamed Daahir Cabdule ayaa ka warbaxiyay amaanka qeybta Galbeed iyo sida ay iskula shaqeeyaan maamulka degmada  iyo ciidamada amanaka.

“taliye ciidamada iyo degmooyinka si wanagsan aye u wada shaqeeyaan, waxaana sameynaa howgalo joogta ah, gudoomiyaha degmada kaxda waa shaqsi habeen iyo maalin u taagan xaqiijinta amaanka degmada si wanaagsan ayuuna noola shaqeyaa” ayii yiri

Gudoomiyaha degmada Kaxda ee gobalaka Benaadir ayaa sheegay in talaabo wanaagsan oo lagu xaqiijin karo amaanka ay tahay in saraakiisha ciidamada amaanka ay habeen walbo  kormeer ka wadaan degmooyinka gobaka Benaadir.

“Taliye waan kuu mahadceliayaa in xiligan aad nagu soo booqato degmada kaxda waxaa ay natusineysaa sida ay kaaga go”antahay sugida amniga gobalka” ayuu yiri gudoomiyaha Kaxda.

Ganeral Axmed Xasan Maalin taliyaha qeybta guud ee ciidaanka Booliska gobalka Benaadir ayaa tilmaamay in ay wadaan qorsheyaal ku aadan sugida amniga si loo xaqiijiyo amaanka gobalka.

“Habeen walbo ayaan wadnaa  howgalkan habeen hore waxaan ka wadnay degmooyin kale oo gobalka Benaadir ah, caawana waxaan joognaa degmada kaxda taasi sababteeda waxey tahay sugida amaanka Muqdisho, Booliska iyo shacabka  waa saxiib waxaana laga doonayaa in ay waa shaqeeyaan taasi waxey horseed ka noqan kartaa xaqiijinta amniga”ayuu yiri

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS...

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta...

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud...