Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay ururada bulshada rayidka.

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay ururada bulshada rayidka ee SOSECENSA iyo PUNSAA oo ka kala howlgala Koofurta, Bartamaha, iyo deegaanada Puntland.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii ra’yi uruurin loo sameeyn lahaa taladoodana loo dhageysan lahaa xubnaha ka tirsan bulshada rayidka si ay uga qaybqaataan Ololaha dib u eegista Dastuurka oo ay Wasaaraddu ugu magac dartay Sheeko Qaranneed (National Conversation).

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Avv Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in mabaadi’da ay Wasaaraddu ku howlgaleyso ay yihiin ilaalinta waqtiga oo ah in 2 sano gudahood lagu dhameeystiro Dastuurka, hore u socod, wadatashi, iyo wadar ogol.

Dhanka kale, ka soo qaybgalayaasha ayaa talooyin soo jeediyay si ay wax fikrad ugu darsadaan Dastuurka dalka oo Wasaaraddu ka go’antahay in sida ugu wanaagsan loo dhameeystiro.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa go’aansatay in ay dar-dargeliso Ololaha Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka oo ay gaarsiin doonto dhamaan Dawlad Goboleedyada dalka.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dhul gariir ka dhcay dalka Indonesia

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi murugo leh u dirtay...