Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo Gaalkacayo Ku Qaabilay Kuxigeenka Safiirka Turkiga Ee Soomaaliya.

Date:

Madaxweynaha Dawladda Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 04 may 2017 ku qaabilay magaalada Gaalkacayo wefdi uu hogaaminayo kuxigeenka safiirka dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Alican Aksoy.

Ka hor inta aanu Madaxweynuhu ku qaabilin xafiiskiisa wefdigani ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Abdulaahi Yuusuf Ahmed ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Goloha Wasiirada dawladda Goboleedka Puntland, saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Goboleedka Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo iyo masuuliyiin kale.

Wefdigani uu hogaaminayey kuxigeenka safiirka dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Alican Aksoy ayaa u socdey kormeer ku aadan maashaariico horumarineed oo ay ka hirgelin doonaan Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacayo, waxaana kamida shaaricdaasi dhismaha c cusbitaal weyn iyo iskuul lagu baran doono farsamada gacanta kaas oo wax weyn ka tari doona sare u qaadida xirfada iyo aqoonta  dhalinta ku dhaqan magaaladaasi iyo guud ahaan Puntland.

Mashaariicdan ayaa ah kuwo madaxweynaha Puntland uu hore ugu gudbiyey safiirka dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya inay ka caawiyaan Puntland, isla markaana ay ka hirgeliyaan magaalada Gaalkacayo maadaama ay cubitaalkii weynaa ee magaaladaasi hore u soo gaadhey burbur xoogan oo gebihaanba dhulka uu la sinmay dhismihii cusbitaanka.

Madaxweynaha  Puntland ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa magaalada Gaalkacayo wufuuda kasocotey safaarada Turkiga ee Soomaliya, waxaana uu Madaxweynuhu uga mahad naqay dalka Turkiga mashaaricdaasi wax-tarka leh ee ay ka hirgelinayaan Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacayo kuwaas oo wax weyn ka taridoona baahiyaha caafimaad iyo kuwa wax barashoda ee shacabka Puntland iyo ummaadad Soomaaliyeedba.

Dhinnnaca kale wefdiga uu hogaaminayey kuxigeenka danjiraha dalka Turkiga ee Soomaaliya ayaa soo kormeeray goobaha laga hirgelinaayo mashaariicdaasi iyo sidoo kale cusbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacayo oo ay ku sugan yihiin dad badan oo ay wax yeelo u geysatay abaartii Alle ka dulqaaday ummaadiisa iyo iskuulka Cumar Samatar oo ka mida goobaha waxbarasho ee ugu facaweyn Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska Congo DRC iyo jabhadda M23

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa saxiixa heshiiska Doha...

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay geedi-socodka Ka-hortagga Masiibooyinka. 

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo u maraysa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka...

11 khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay nawaaxiga Xarardheere

Ciidamada Macaawisleyda ee ka howlgala degmada Xarardheere ayaa xalay...