Doorashadii maanta ka socotay Magaalada Cadaado ee lagu dooranayay Madaxweynaha Cusub ee Galmudug yeelan doonto ayaa la soo gaba gabeeyay iyadoo Xubnaha baarlamaanka Galmudug ay madaxweyne u Doorteen Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo isla Goobtii lagu doortay lagu dhaariyay.
Musharrixii la tartamayay Axmed Ducaale Geelle Xaaf ee Axmed Shariif Cali Hilowle ayaa Hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Galmudug.
“Doorashadii maanta Dhacday waxa ay ahayd mid xor ah oo xalaal ah waa layga guuleystay idinkoo madaxweyne u doorateen Axmed Ducaale waan la shaqayn doonaa Intii dooratayna waxaan ka dalbanayaa in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha Cusub” Ayuu yiri Axmed Shariif Cali Hilowle oo ahaa Musharrixii la tartamayay. Madaxweynaha la doortay.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay intii dooratay iyo intii la tartantay oo uu ka guuleystay, isagoo ballan qaaday in uu ka shaqayn doono Howsha adag ee loo doortay, dowladda Dhexe ee Federaalka Soomaliya ayuu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan Arrimaha Galmudug.
Wasiir Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Cabdi Faarax Juxaa ayaa u mahad celiyay Guddigii Doorashada Madaxweynaha galmudug Howshii ay Soo qabteen, isagoo sheegay in ugu dambayn Galmudug ay yeelatay Madaxweyne .
Wasiir Juxaa ayaa kula dardaarmay Madaxweynaha Cusub sii amba qaadista Howsha adag ee hortaalla oo ay ka mid tahay wada hadalladii dhawaanahaan u socday galmudug iyo Ahlusunna.