Madaxwayne Farmaajo oo kormeeray dadka Barakacayaasha ah

Date:

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah xeryaha ay ku nool yihiin dadka soo barakacayaasha ee magaalada Muqdisho, si uu u hubiyo xaaladda nololeed ee dhabta ah oo ay ku sugan yihiin Barakacayaasha ku sugan gudaha iyo hareeraha magaalada.

Madaxwayne Farmaajo ayaa isagoo tixgalinaya xilli roobaadka la guda galay wuxuu u qaybiyay Barakacayaashaasi ku nool Muqdisho iyo hareeraheeda ee aan haysan hoyaga Bacaha roobka laga galo iyo Bustayaal, taasi oo ay si aad ah ugu diirsadeen.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa dhowr jeer horay u sheegay in dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo barnaamijkeeda koowaad uu yahay ka shaqaynta danta dalka iyo dadka, taasi uu ficil ahaan u muujiyay.

Dhanka kale Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Fadaraalka ee Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi max’ed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu waadaa in booqasho rasmi ah ugu ambabaxaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Desalegn, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Itoobiya Mulato Tshome iyo Ra’iisul Wasaare Hailemariam.

Booqashada Madaxweynaha ee dalka Itoobiya oo socon doonta muddo laba maalin ah, wuxuuna inta uu halkaasi joogo masuuliyiinta dalkaasi kaga wada hadli doonaan horumarinta xiriirka labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...