Madaxwayne Farmaajo oo kormeeray dadka Barakacayaasha ah

Date:

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah xeryaha ay ku nool yihiin dadka soo barakacayaasha ee magaalada Muqdisho, si uu u hubiyo xaaladda nololeed ee dhabta ah oo ay ku sugan yihiin Barakacayaasha ku sugan gudaha iyo hareeraha magaalada.

Madaxwayne Farmaajo ayaa isagoo tixgalinaya xilli roobaadka la guda galay wuxuu u qaybiyay Barakacayaashaasi ku nool Muqdisho iyo hareeraheeda ee aan haysan hoyaga Bacaha roobka laga galo iyo Bustayaal, taasi oo ay si aad ah ugu diirsadeen.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa dhowr jeer horay u sheegay in dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo barnaamijkeeda koowaad uu yahay ka shaqaynta danta dalka iyo dadka, taasi uu ficil ahaan u muujiyay.

Dhanka kale Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Fadaraalka ee Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi max’ed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu waadaa in booqasho rasmi ah ugu ambabaxaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Desalegn, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Itoobiya Mulato Tshome iyo Ra’iisul Wasaare Hailemariam.

Booqashada Madaxweynaha ee dalka Itoobiya oo socon doonta muddo laba maalin ah, wuxuuna inta uu halkaasi joogo masuuliyiinta dalkaasi kaga wada hadli doonaan horumarinta xiriirka labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...

Madaxweynaha JFS oo kulan wada-tashi ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Gobollada Waqooyi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...