Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeysay geeridii Cabaas Siraaji, Wasiirkii Howlaha Guud

Date:

Muqdisho 3 May 2017 – Madaxda Qaranka ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji oo caawa fiidkii xabad gaarigiisa lagu furay darteed u geeriyooday.

Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa xidig soo baxaya oo iftiimaya lahaana mustaqbal ifaya. Marxuum Cabaas waxuu tusaale fiican u ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed, madaxda Qarankana aad bey ugu hanweynaayeen.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Eng. Yarisow ayaa yiri “Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa shaqsi dhalinyaro ah oo si aad ah uga dhexmuuqday golaha wasiirada. Waxuu ahaa shaqsi leh mustaqbal wanaagsan. Waxuu ka mid ahaa dhalinyaradii xerada Qaxootiga Dhadhaab ku soo koray oo wax ku soo bartay, ka dibna dalkiisa hooyo dib ugu soo laabtay si uu waddanka wax ugu qabto.”

Madaxda Qaranka ayaa dhammaan shacabka ka codsaday inay murugada naxdinta leh la qeybsadaan qoyskii marxuumka iyo dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed oo uu u ahaa tusaale fiican oo aad uga dhexmuuqday golaha wasiirada. Wasiir Cabaas maanta ayuu Muqdisho ku daahfuray Mashruuca Tayeynta Shaqaalaha oo uu maalgelin uga soo helay Bankiga Horumarinta Afrika.

Innaa Lillaahi wa Innaa Illaahu Raajicuun, Geeridu waa xaq, Wasiirkii Howlaha Guud waqtigiisa ayaa dhamaaday, falka geeridana baaris baa lagu sameyn doonaa oo shacabka lala wadaagi doonaa sida wax u dhaceen.
DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta
media@moi.gov.so sidiqfaarax@gmail.com

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...