Webiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobolka Sh/dhexe

Date:

Webiga Shabeelle ayaa lagu soo warramaaya in uu fatahaad ka sameeyay deegaanka Buur Bishaar oo 8km dhinaca Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo fatahaadda ay waxyeelo gaarsiisay dhul beereed ay ku yaaleen dalagyo kala duwan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in wabiga uu fatahay, iyadoo roobab ay ka da’ayaan gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana laga cabsi qabaa in fatahaadda ay saameyn ku yeelato deegaanno kale oo hoostaga demada Jowhar.

Dadweynaha ku nool deegaanada ku dhow tuulada Buur Bishaar ayaa qorsheynayo sidii biyo xireen loogu sameyn lahaa meelaha uu webiga ka sameeyay fatahaadda.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Abuukar Maxamed Bacadle ayaa ku soo waramaya in tuulooyinka uu fatahaadda ka sameeyay webiga ay isaga barakaceen dadkii deganaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Jaamac oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga Dalka Burkina Faso

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Burkina Faso, Danjire...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid...