Wasiirka Ganacsiga ee Soomaaliya oo Turkiga uga qeyb gashay shir muhiim ah

Date:

Wefdigan oo ay horkaceysay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federelka Soomaaliya Khadra Axmed Ducaale oo malmahaan Booqosho ku joogay Dalka Turkiga isla markaane Ka Qayb galayay Shirka Beeraha ee Wasiirada Africa ee Magaalada Antalya ayaa waxey Booqdeen Xarunta Bandhig Carweedka Antalya ee Dalka Turkiga.

Wafdigan ayaa si gaar ah waxey u kormeereen goobta Ganacsiga Soomaaliya ee ku leedahay Bandhig Carweedka Antalya, waxaane halkaasi Warbaahinta Qaranka kula hadlay Madaxa Xafiiska Ganacsiga Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Yuusuf Axmed Xasan

“Waxaan aad ugu Faraxsanhay in Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federelka Soomaaliya Khadra Axmed Ducaale ay soo booqatay Xarunta Soomaaliya ee ku leedahay Bandhiga Carweedka Antalya, sido kale waxaa Sharaf weyn ii ah inaan ku soo dhaweeyo Xarunta.” ayuu yiri Yuusuf Axmed Xasan.

Sidoo Kale Madaxa Xafiiska Ganacsiga Safaardda Soomaaliya ee Dalka Turkiga ayaa Suurta galiyay in Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee DFS Khadra Axmed Ducaale kulamo gaar gaar ah la qaadatay Wasiirka Beeraha Cuntada iyo xoolaha ee Dalka Turkiga, iyadoo kala hadashay Sidii ay gacan uga geeysan lahaayeen horumarinta Beeraha Soomaaliya iyo Xoolaha.

Dhanka kale Wasiirka Ganacsiga ayaa Kulamo la yeelatay qaar ka mid ah Shirkadaha Ganacsiga ee Dalka Turkiga, kuwaa oo doonayo inay Maalgashi ku Samaytaan gudaha Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...