Ururka Xamaas oo aqbashay dhismaha Dowlad Falastiin oo ku salaysan Xudduudii 1967.

Date:

Ururka  Xamaas ee u halgama Xoriyadda dadka falastiin oo ay Israel gumaysato ayaa sheegay inuu ogol yahay in la dhiso Dowlad Xur ah ee falastiin  leedahay oo Xuduudeeda tahay tii sanadkii 1967-dii, isla markaana caasimadeedu tahay magaalada Qudus.

Khaalid Mashcal oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee Ururka Xamaas  oo shir  jaraa’id ku qabtay  caasimadda dalka Qadar  ee Dooxa goob joogna ay ka ahaayeen masuliyiin badan oo ka tirsan hoggaanka Xamaas waxa u  soo hadal qaaday hesshiis hore oo dhigayay in dhamaan Qaxootiga Falastiin ee qurbaha ku nool  ay xaq u leeyihiin inay ku soo noqdaan degaanadooda xoogga ay ku haysato Israel  ayna dhistaan dowlad  xor ah.

Dhanka kale  Afhayeenka R/wasaaraha Israel ayaa isna sheegay in qorshaha ay Xamaas waddo uu yahay mid dhagar ah oo ay caalamka ku khiyaamaynayso balse ay ku guul daraysanayso.

Wuxuuna Afhayeenku ku tilmaamay Ururka xamaas Urur argagixiso waxayna dhanka Marinka Gaza  Israel kaga soo tuurayaan malaayiin sawaariikh ah oo ay dhibaato badan ka soo gaartay dadka rayidka ah ee Israel ayuu yiri

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay Jadwalka Doorashooyinka D/Gobolleedyada

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (...

Wasiirka Warfaafinta oo hambalyo u diraybahda warbaahinta munaasabadda 3-da May

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo furay tababar ku saabsan Ka hortagga tabinta hadallada naceybka ee xilliyada doorashooyinka

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka...

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cali...