Raโ€™iisul Wasaaraha oo ka qaybgalay Madal looga hadlayo Dar-dargelinta waxqabadka Xukuumadda

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galay Madal looga hadlayo dar-dar galinta Waxqabadka Xakuumadda Federaalka Soomaaliya iyo diyaarinta qorshaha Xukumadda ee wax qabadka 90-ka maaalmood.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa ka jeediyey qudbad uu kaga hadlayo qorshaha Xukumaddu ay doonayso inay dalka ku horumariso, gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda, Arrimaha gudaha,ย  Dhaqalaha, Waxbarashada, Caafimaadkaย  Midnimada Ummadda, Siyaasad midaysan oo Soomaaliya kula macaamilayso Caalamka.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa yiri: โ€œWaa inaan shacabka dhexgalnaaย  oo an dhageysanaa tallooyinkooda, waa inaan aqbalnaa isla xisaabtanka, waaย  inan ciidankeena dhiiri gelinaa, ciidankeena aniga xitaa waxaa ii qorsheysan inaan ugu tegoย  meesha ay jogaan xitaa hadii aan naftayda ku waynayoโ€.

Raโ€™iisul Wasaaraha oo la hadlayey Wasiirada madasha ka soo qeybgalay ayaa hadalkiisa ku daray โ€œMaanta waxaad haysataan fursad Wanaagsan oo aad dalkiina uga saartaan dhibaatada, isla markaana aad samaysaan tariikh lagu xasuusto Xukumadda, taana waxaad ku samayn karaysaan in aad wada shaqayn wanaagsan yeelataan dhexdiinaโ€.

Shirka waxaa ka qeyb galay Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya.

Nasra Bashiir Cali

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ฐ๐ž๐๐ž๐ง ๐ฎ ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ฒ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š XFS ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

-Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu...