Ra’iisul Wasaaraha oo ka qaybgalay Madal looga hadlayo Dar-dargelinta waxqabadka Xukuumadda

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galay Madal looga hadlayo dar-dar galinta Waxqabadka Xakuumadda Federaalka Soomaaliya iyo diyaarinta qorshaha Xukumadda ee wax qabadka 90-ka maaalmood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka jeediyey qudbad uu kaga hadlayo qorshaha Xukumaddu ay doonayso inay dalka ku horumariso, gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda, Arrimaha gudaha,  Dhaqalaha, Waxbarashada, Caafimaadka  Midnimada Ummadda, Siyaasad midaysan oo Soomaaliya kula macaamilayso Caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri: “Waa inaan shacabka dhexgalnaa  oo an dhageysanaa tallooyinkooda, waa inaan aqbalnaa isla xisaabtanka, waa  inan ciidankeena dhiiri gelinaa, ciidankeena aniga xitaa waxaa ii qorsheysan inaan ugu tego  meesha ay jogaan xitaa hadii aan naftayda ku waynayo”.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey Wasiirada madasha ka soo qeybgalay ayaa hadalkiisa ku daray “Maanta waxaad haysataan fursad Wanaagsan oo aad dalkiina uga saartaan dhibaatada, isla markaana aad samaysaan tariikh lagu xasuusto Xukumadda, taana waxaad ku samayn karaysaan in aad wada shaqayn wanaagsan yeelataan dhexdiina”.

Shirka waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya.

Nasra Bashiir Cali

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...