Soomaaliya iyo beesha caalamka oo u gogol xaaraya heshiis iskaashi oo heer sare ah

Date:

Shirku wuxuu madaxda sare ee DFS siiyay fursad ay ku soo bandhigaan arrimaha siyaasadda ee mudnaanta u leh ugana doodaan waxyaabaha asaaska u noqonaya heshiis iskaashi oo heer sare ah oo ay Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka ku wada gaari doonaan magaalada London. Heshiiskan wuxuu ka koobnaan doonaa arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin heshiiska amniga; taageerada ku aaddan gurmadka abaaraha iyo soo kabashada dhaqaalaha; iyo arrimaha siyaasadeed ee mudnaanta leh oo ay ka mid yihiin geedi-socodka dib u eegista dastuurka iyo geedi-socod dimoqoraadiyadda oo horseedaya doorashooyin qof-iyo-cod ah oo dhaca sanadka 2020.

Ka-qaybgalayaashu waxay bogaadiyeen heshiiskii siyaasadeed ee ay dhowaan wada gaareen madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, heshiiskaas oo ku saabsanaa naqshadda cusub ee qaabdhismeedka ciidamada amniga Soomaaliya. Heshiiskan wuxuu saldhig u noqonayaa wareejinta qorshaysan ee mas’uuliyadaha sare ee amniga dalka loogu wareejinayo hay’adaha amniga Soomaaliya sanadaha soo socda.

“Kulanka maanta wuxuu ahaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday sidii lagu gaari lahaa heshiis iskaashi oo heer sare ah oo lagu gaari doono Shirweynaha London ee soo socda ee arrimaha Soomaaliya. Shirweynaha London waa fursad weyn oo lagu dardar gelinayo dib u habaynta, laguna xoojinayo iskaashiga u dhexeeya beesha caalamka iyo Soomaaliya, waxaana lagu dejin doonaa arrimaha laga mideysanyahay ee mudnaanta leh sanadaha soo socda si gacan looga geysto sidii dadka Soomaaliyeed loo siin lahaa mustaqbalka ay mudanyihiin” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qamada Midoobay u jooga Soomaaliya, Michael Keating.

“Caqabadaha horyaalla dadka Soomaaliyeed waa kuwo culculus. Waxaa ka mid ah gurmad wax ku ool ah oo laga geysto abaaraha, abuurista shaqooyin iyo dhismaha dhaqaale adkeysi badan leh, hagaajinta amniga iyo xakameynta colaadaha, iyo geedi-socodka lagu xallinayo arrimaha dastuurka si loo xaqiijiyo xasillooni ballaaran iyo dowlad federaal ah oo xooggan. Furaha guusha waa dib u heshiisiin dhex marta dadka Soomaaliyeed, iyo weliba in beesha caalamka laga helo taageero isku xiran oo joogto ah oo wax looga qabto arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya.”

Shirweynaha London ee arrimaha Soomaaliya ee qabsoomaya bisha soo socota wuxuu fursad gaar ah u noqon doonaa xaqiijinta taageero heer sare ah oo caalami ah oo ay hesho Soomaaliya marxaladdan adag ee kalaguurka amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha

DHAMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...