Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo ku baaqay in farsamada casriga loo adeegsado arrimaha maaliyadda

Date:

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan, ayaa sheegay inay muhiim tahay in farsamada casriga ah loo adeegsado arrimaha la xiriira maamulka maaliyadda iyo qandaraasyada ee dowladda, taasoo qeyb ka noqon doonta dadaalka ay Xukuumaddu ugu jirto la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo dhiirri-gelinta maamul-wanaagga.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay xiritaanka tababar 4 maalmood socday oo loo qabtay shaqaalaha Wasaaradda, oo ku saabsanaa arrimaha maaliyadda iyo maareynta qandaraasyada, kaasi oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda, qaybta Taakuleynta Isgaarsiinta (ICT).

Wuxuu wasiirku kula dardaarmay ka-qeybgalayaashii tababarka inay fuliyaan waxyaabihii ay ka barteen tababarkan, si hantida qaranka aan loo dayicin, iyadoo loo adeegsanayo sida ugu habboon ee ay ku jirto danta ummadda.

Wuxuu wasiirku xusay in nidaamka qandaraasyada oo kharribma uu horseedi karo inaan laga faa’iideysan mashaariicda horumarineed,isla markaana uu kor u kacaya qiimaha mashaariicda horumarineed, taasoo ugu dambeynta dhaawaceysa horumarka dhaqaale ee dalka.

Wasiirka oo hoos ka xarriiqayay baahida loo qabo in la kobciyo awoodda shaqaalaha ee dhinaca teknolojiyada, ayaa sheegay in Wasaaraddani kaalin hormuud ah ka qaadan doono sidii shaqaalaha dawladda ee ka shaqeeya dhinacyada maaliyadda ay u noqon lahaayeen kuwo aqoon u leh oo ku shaqeyn kara farsamada carsiga, si ay ula jaan-qaadi karaan habka maamulka casriga ah.

“Dhibaatadu waxay mar kastaba ka timaaddaa dhanka fulinta. Waa inaad hubisaan in wixii aad barateen loo fuliyo sida ay tahay” ayuu yiri wasiirka oo la hadlayay ka-qeybgalayaasha.

Ugu dambeyntii wuxuu wasiirku qeybiyay shahaadooyinkii loogu talo galay ka-soo-qeybgalayaasha isagoo balanqaadey in wasaaraddu xoogga saarto tababarada noocan oo kale ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....