R/wasaaraha Soomaaliya oo Hambalyo u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed

Date:

R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mud. Xasan Cali Kheyre ayaa hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha adduunka oo ku asteysan maanta oo ah 1-da May u diray shaqaalaha Adduunka gaar ahaan Shaqaalaha Soomaaliyeed,  isagoo ballan qaaday in xukuumaddu ay joogteen doonto xuquuqda shaqaalaha iyo aqoontoodaba.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay shaqaalaha Soomaaliyeed in ay lafdhabar u yihiin Hormarka Dalka, isagoo Shaqaalaha ku booriyay in ay sii labo jibaaraan adeegyada ay u hayaan Bulshada Soomaaliyeed.

R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumaddu ay dadaal dheeraad ah ku bixin doonto sidii shaqaalaha Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xuquuqda shaqaalaha adduunka oo kale, wuxuuna intaa raaciyay in la kordhin doono aqoonta shaqaalaha Soomaaliyeed.

Sanad kasta maanta oo kale 1-da May waxaa caalamka laga xusaa maalinta shaqaalaha adduunka, iyadoo manta ay fasax yihiin shaqaalaha Soomaaliyeed si loo weyneeyo maalinta shaqaalaha adduunka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...