Baarlamaanka Federaalka Oo Abaal Marinno Guddoon Siiyey Wasaaradda Warfaafinta “SAWIRRO”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre, Guddoonka Golaha Shacabka, Wasiirro, Xildhibaanno ka kala socday labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay xaflad lagu xirayey Kalfadhiga koobaad ee Golaha Shacabka.

Munaasabadda waxaa abaal marinno lagu guddoon siiyey Wasaaradda Waraafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Soomaaliya waxaana abaal marinta koobaad ee Wasaaradda la guddoon siiyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisoow” ,sidoo kalena waxaa shahaaddo sharafeedyo la guddoon siiyey ku simaha Agaasimaha guud C/raxmaan Yuusuf Cumar Al-cadaala, Agaasimeyaasha Telefishinka Qaranka, Radio Mudisho iyo SONNA.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta iyo qeybaheeda Warbaahinta ay door muhiim ah oo muuqda ku leeyihiin in shacabka Soomaaliyeed ay xog ogaal u noqdaan howlaha Baarlamaanka oo ay ugu horeeyeen doorashooyinkii dalka ka dhacay sidaasi darteedna uu Golaha Shacabka u gartay Abaal marinno iyo shahaado sharafeedyo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Mudane Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisoow” oo xafladda hadal kooban ka jeediyey ayaa uga mahad celiyey Guddoonka Golaha Shacabka abaal marinnada iyo shahaadooyinka ay Wasaaradda u garteen waxaana uu ballan qaaday in Wasaaraddu ay diyaar u tahay iney sii wado howlaheeda ayadoo muhiimad la siinayo sare u qaadida wacyi gelinta bulshada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud,...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...