Wasaaradda caafimaadka HirShabeelle ee dawo gaarsiisay degmooyinka Raaga-ceelle iyo Warshiikh

Date:

Wasiirka wasaaradda caafimaadka, daryeelka hooyada iyo dhallaanka ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Axmed C/kariin Maxamed oo uu wehliyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Maxamed Cali Yuusuf ayaa deeq dawo ah ku wareejiyay mas’uuliyiinta degmooyinka Raaga Ceelle iyo Warshiikh oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku tegay degmooyinka Raage Ceelle iyo Warshiikh iyagoo u kuurgalay xaaladda nololeed ee bulshada ku dhaqan halkaasi, waxayna indhahooda ku soo arkeen baahida caafimaad oo ay qabaan bulshadaasi.

Wafdiga uu horkacayay wasiir Axmed C/kariin Maxamed ayaa warbixin ka dhageystay gudoomiyaha degmada Raage Ceelle Yuusuf Xaaji Maxamed oo ka warbixiyay xaaladda nololeed ee bulshada ku dhaqan degmadaasi iyo deegaannada hoos yimaada, isagoo tilmaamay ineysan jirin wax adeeg caafimaad ah oo ay heystaan bulshadaasi, wuxuuna ka mahadceliyay deeqda dawada ah ee la gaarsiiyay.

Sidoo kale wafdiga ayaa gaaray degmada Warshiikh iyagoo booqday dhowr tuulo oo hoosyimaada degamadaasi, waxeyna warbixin ka dhageysteen hoghayaha dowladda hoose ee degmadaasi,Diini Rooble Axmed iyagoo ku wareejiyay xoogaa dawo ah, halka ay kulamo kale la qaateen waxgaradka deegaankaasi.

Deeqdan dawada ah ee la gaarsiiyay labadaasi degmo ayaa ku soo beegmeysa xilli uu deegaannadaasi ka dillaacay cudurka shuban biyoodka oo ay u geeriyoodeen tiro dad ah halka kuwa kalena ay la ildaranyihiin cudurkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...