Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre oo kula dar-daarmay Ciidamada NISA Dar-dar galinta sugidda amniga iyo xasilinta Caasimadda.

Date:

Muqdisho 30-Apr-17….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa kula hadlay Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA xaruntii hore ee Xisbiga kuwaas oo ka howlgeli doona sugidda amniga Muqdisho.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay muhiimadda ay ciidamadani u leeyihiin Amniga Caasimadda, isagoo kula dar-daarmay in gacan buuxda lagu qabto cid walba oo dhibaato ku ah amniga iyo kala danbeynta. Waxana uu ka dalbaday qeybaha kala duwan ee bulshada in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, oo ay garabsiiyaan ciidamada si looga guuleysto cadowga had iyo jeer dhibaatooyinka u geysanaya Shacabka Soomaaliyeed.

“Maanta maalin ay Soomaaliya idiinka baahi badan tahay ma jirto, sugida amniga iyo xaqiijinta dawladnimadda Soomaaliya waa mid ku xiran tayadiina ciidan iyo hadba sidaad isu xilqaantaa,” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo intaas ku daray.

“qaranimadu maahan wax laysa siiyo, aduunka cid nasiin karta ma jirto anagu inaan dadaal iyo juhdi ku bixino mooyee, waana taas mida aan idin kugu imid maanta oo weliba hubo ka badan in aad mudan tihiin.” Ayuu yiri asagoo dareensiinayay ciidanka hawsha baaxada weyn oo hortaala.

______DHAMMAAD_______

   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...

Soomaaliya oo soo Dhaweysay Is-fahamka iyo Is-afgaradka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayay ku soo...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulanka kooxda farsamada ee xargaha Badda hoosteeda mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga...