Xildhibaanada Aqalka Sare ee Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay

Date:

Kulankan ayaa ajandihiisu waxa uu ahaa magacaabista Gudiyada Aqalka Sare iyo dhagaysiga warbixin Gudiga Doorashooyinka Qaranka kulanka ayaa ahaa kulankii 1aad kalfadhigiisa 27aad ee Aqalka Sare kulanka waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Ugu horayn waxaa la aqriyay magacyada mudanayaasha iyo gudiga lagu qoray qaar ka mid xubnaha aqalka sare ayaa ka hadlay gudiyada lagu qoray .

Intaa ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray oo warbixn xaga shaqadooda laga dhagaystay gudiga doorashooyinka qaranka Sayid Cali Maxamuud oo ah Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Doorashooyinka Qaranka waxa uu sheegay in shaqo ay soo qabteen howl badana ay sugayso.

Qaar la mid ah mudanayaasha ayaa su,aalo ay ka mid yihiin in ay suurta gal tahay qabsoomida doorashada 2020 iyo sida xisbiyada ay u diiwaan galinayaan waydiiyay  Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

xaliimo ismaaciil ibraahin xaliimo yarey gudoomiyaha gudiga doorashooyinka qaranka ayaa ku jawaabtay “Anaga wixii dib u dhac ah xaga doorashada ah shaqo kuma lihin oo marka xiliga shaqada ay isku raacaan ayaa diyaarinaa ,arinta xisbiyada waxaa jira qodabo dastuurka ah taas ayaana la raacayaa”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Haramcad iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal wadajir ah ka sameeyay duleedka Baraawe

Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Haramcad iyo Ciidanka Xoogga...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Wasaaradda Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudiga

Maareeyaha Dekedda Weyn ee Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur...

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Odeyaasha Dhaqanka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed,...

Sh/Hoose: Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad Guutada...