Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay haweenka

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ku saabsan ololaha geedi socodka dib u eegista Dastuurka la qaadatay haweenka Soomaaliyeed, kulanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Xildhibaanada Qaranka, iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.

Ololahan oo ay Wasaaradda ugu magacdartay Sheeko Qarameed (National Conversation) ayaa waxaa maanta ay haweenka ugu doodeen sidii Dastuurka uu u noqon lahaa mid xoojiya xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Avv. Cabdiraxman Xoosh Jibriil oo shirka furay kuna soo dhaweeyay dhamaan ka soo qaybgalayaasha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda haweenka ay u leeyihiin Qaranka gaar ahaan geedi socodka dib u eegista dastuurka.

Avv Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Wasaaradda iyo haweenka Soomaaliyeed ay iska kaashan doonaan shaqooyinka muuhimka ah ee ay Wasaaradda u hayso dalka, sidoo kale Wasiirku waxa uu sheegay in shirarka noocan ah ee loogu magacdaray “Sheeko Qarameed’’ la gaarsiin doono dhamaan maamul goboleedyada dalka.

Wasaardda Arrimaha Dastuurka ayaa dar-dargelisay qabashada kulamada wadatashiga si Dastuurku u noqdo mid dalka u horseeda horumar iyo nabad.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kula la qaatay Duqa Magaalada Seattle ee dalka Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb. Maxamed Cali...

Wasiirka Warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goob dalxiis oo ku taalla degmada Kaxda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo magacaabay Golaha Wasiirrada maamulkaas

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan...