Wasiirka Warfaafinta, oo xaqiijiyey in Xeerka Saxaafadda Soomaaliya Dib u eegis lagu sameynayo

Date:

Muqdisho, 29 April 2017 – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay.

Wasiirka ayaa mas’uuliyiinta kala hadlay muhiimada xeerka saxaafadda iyo in Dowladdu ay diyaar u tahay in xeerka uu noqdo mid ay suxufiyiintu ku qanacsan yihiin oo dib u eegis lagu sameynayo.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxaan dhageystay cabashooyinka suxufiyiinta ee ku aadan qodobo xeerka saxaafada ka mid ah, una ballanqaaday in dib u eegis lagu sameynayo. Waxaan ka codsaday suxufiyiinta inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan tallooyinkooda si loo saxo qodobadaas. Madaxweynihii hore ayaa saxiixay dikreetadii xeerka bishii Janaayo 2016kii oo Xeerku ansax yahay, haddana waxaan tixgelineynaa codsiga suxufiyiinta, waana sababta aan dib u eegista ugu sameyneyno.”

Eng. Yarisow, oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Dowladdu waxey bilaabeysaa wadatashiyo la xiriira xeerka saxaafada si xeerku u noqdo mid la dhaqangelin karo, oo ka tarjumaya marxaladda dalka uu marayo iyo sida loogu baahan yahay in xeerka saxaafadu uu u noqon lahaa mid heer caalami ah. Waan ognahay qodobada ay ka mid yihiin in suxufigu uu heysto shahaado jaamacadeed ee dhanka warbaahinta ah, tan oo aan ka tarjumeynin marxaladda dhabta ah ee dalka ka jirta. Sidaas daraadeed, waxaa naga go’an in tallooyinka qeybaha bulshada iyo suxufiyiinta ay muhiim u tahay dhaqangelinta xeerka, oo aan dooneyno in suxufiyiinta ay ku qanacsan yihiin.”

Wasiir Eng. Yarisow, ayaa ugu dambeyntii sheegay in dib u eegista lagala tashan doono hay’adaha, Wasaarada Xaquuqul Insaanka iyo Guddiga Baarlamaanka ee Xaquuqul Insaanka si loo hubiyo in xeerku uu ka tarjumayo shuruucda Xaquuqul Insaanka dalka iyo kuwa caalamiga ah.

Wasiirka, ayaa ka codsaday suxufiyiinta Soomaaliyeed, bulshada rayidka ah, dhammaan qeybaha bulshada, hay’adaha caalamka ee taageera warbaahinta Soomaaliya iyo beesha caalamka inay tallooyinkooda sida ugu dhaqsiyaha badan noogu soo gudbiyaan si loo tixgeliyo oo loogu daro dib u eegista xeerka saxaafadda.

DHAMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...