Madaxweynaha Turkiga oo ballan qaadday in uu sii waadi doono taageerada uu siinayo Soomaaliya

Date:

Wakaaladda Wararka ee Dalka Turkiga Anadol ayaa qortay in magaalada Ankara Arbacadii shaley ay ku kulmeyn Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Recep Tayyip Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa la sheegay in ay ka wada hadleyn sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo adkeynta Ammaanka.

Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteyn Labada Madaxweyne ayaa waxa ay uga hadleen xoojin xiriirka Labada dal iyo sidii Turkiga uu u si wadi lahaa taageerada uu siinayo Soomaaliya.

“Reer galbeedku waxa ay iska indha tireyn taageerada 14-milyan oo qof oo wajahaya macluusha Afrika” ayuu yiri Recep Tayyip Erdogan.

Turkiga ayaa sheegay in uu sii wadi doono taageerada uu la garab taagan yahay dadka saboolka ah ee Afrika jooga.

“Waa in la badbaadiyo dadka la daalaa dhacaya saboolka, ugu yaraan 14-milyan qof oo u badan Dumar iyo Carrruur ayaa hadda abaar ay ku heesataa Afrika, badi Wadamada horumaray ee reer Galbeedka waa ay ka gaabiyeen in ay caawiyaan dadkaas”ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu diyaarinayo sidii uu caawin lahaa dadka u baahan gargaarka.

“Nasiib darro ma ahan in dadkaas aan indhaha ka laabano ee u baahan gargaarka, waa sii wadi doonaa taageerada aan siineyno” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in  caalamka aysan ka hadli karin nabad iyo xasillooni haddii carruurta ay u dhimanayaan gaajo.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Soomaaliya ay gaartay horumar tan iyo markii uu booqday sannadkii 2011-kii, isagoo tusaalle fiican u soo qaatay  doorashadii Madaxweynaha ee February dhacday.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ammaanay dedaallada Turkiga uu dib ugu dhisayo Soomaaliya.

“Turkiga ayaa sameeyay tallaabo muhiim ah oo ku aadan dib u dhiska Soomaaliya kaddib muddo dheer oo ay la haayeen xiriir, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa ku daray “Soomaaliya waa sii wadi doontaa raadinta taageerada xiriirkiina”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay kulanka uu la yeeshay dhiggiisa Turkiga mid miro dhal ah.

“Xilligan waxa aan isla gaarnay heshiisyo dhowr ah, sida barnaamijyada lagu xoojinayo horumarinta iyo is dhaafsiga xagga dhaqanka loo horumarin lahaa,” ayuu u sheegay Madaxweynaha saxaafadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabi...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Yugaandha

Madaxweynaha dalka Yugaandha Mudane Yoweri Museveni ayaa tababar usoo...