Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo Cambaareeyay falkii lagu dilay 45 ruux oo Soomaali ah

Date:

Xildhibaan Maxamed Cumar dalxa oo Baarlamaanka Soomaaliya  u qaabilsanaha  Baarlamaanka  Jaamacadda Carabta ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in shirkii baarlamaanka Jaamacadda Carabta looga hadlay Arrintii ka dhacday Yemen iyagoo Cambaareeyeen falkii lagu dilay 45 qof oo Soomaali ah kuwaa oo marayay xeebaha dalka Yemen.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in Baarlamaannada Jaamacadda Carabta ay ku baaqeen in tallaabo laga qaado ciddii mas’uuliyadda falkaas ka dambeysay gantaalkii lagu dhuftay dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Jaamacadda carabta ay balan qaadeen in ay gurmad deg deg ah ay soo gaarsiin doonaan dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...