Taliyaha ciidanka Asluubta oo ka digay in la dhisto dhulalkii ciidanka

Date:

Taliyaha ciidanka Asluubta Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cismaan iyo saraakiil uu hogaaminayo ayaa maanta kormeeray dhul ku yaala degmada Karaan oo ay leeyihiin ciidanka Asluubta, kaasi oo ujeedkiisu ahayd u kuurgelidda dhulka oo kaabiga ku haya Isbitaalka Keysaney.

Taliyaha ayaa ku soo wareegay qeybaha uu ka koobanyahay dhulka, waxaana halkaasi ka socotay howlo dhismo ah.

Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cismaan oo kormeerka kaddib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa digniin u jeediyay dadka sida sharci darrada ah u dhisanaya xarumaha danta guud, waxaana uu intaa ku daray in ciddii lagu hela iyada oo dhisaneyso xarumaha ciidanka Asluubta laga qaadi doono tallabo sharciga waafaqsan.

“Waxaan u sheegeynaa shacabka iyo ganacsatada ku howlan dhismaha xarumaha ciidanka Asluubta inay joojiyaan dhismooyinka sharci darrada ah, cid Alaalle iyo ciddii dhisatana waan ka bur burineynaa dhismooyinka” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta.

Taliyaha ciidanka Asluubta Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay waxa uu bilaabay kormeeridda xarumihii ciidanka Asluubta, waxaana taasi ay qeyb ka tahay dadaallada uu kaga hortagayo in la boobi dhulkii ay lahaayeen ciidanka Asluubta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...