Dowladda UK oo ku dhawaaqday taageero cusub oo adkeynta amniga ah

Date:

Hanaanka amniga qaranka ayaa si tartiib tartiib ah u awoodi doona in uu la wareego mas’uuliyadda ammaanka dalka.

Dowladda UK ayaa sheegtay in kaalin weyn ka qaadan doonto soo celinta nabadda iyo xasiloonida, iyadoo 21 milyan oo Bound ay ku bixin doono Soomaaliya.

Tani ayaa qaabi doonta taageeradii horey jirtay ee UK ay bixineysay Soomaaliya, waxaana kamid ah in dalka ay yimaadeen tababariyaal ka socoda  Britain, kuwaas oo tababari doono ciidanka Soomaaliya iyo kuwo AMISOM si ay ugu shaqeeyaan xasilinta iyo la dagaalanka kooxaha arga-gaxisada.

Amniga ayaa kamid ah ajendiyaasha ugu waa weyn oo lagu soo qaadi doono shirka 11 bisha May ee sanadkan ka furmi doona magaalada London ee dalka Ingiriiska, kaas oo ay ka qeybgali doonaan madaxda dalka, dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo mataliyaal ka socda dalalka iyo hey’adaha taageera Soomaaliya si dalka ugu socdo waddadii uu ku gaari lahaa nabada iyo barwaaqo sanadka 2020.

Warkan qoraalka ah oo ka soo baxay dowladda UK ayaa waxaa sidoo kale, lagu sheegay in ay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan amniga, dib u qaabeynta siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta arimaha bulshada si loo xaqiijiyo dhismaha iyo horumarka ay Soomaaliya sameysay shantii sano ee u dambeeyay.

Shirka London, ayaa sidoo kale waxaa looga hadli doonaa arimaha gargaarka oo tiro badan oo kamid ah dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin cuno, iyadoo  la sameyn doono jawaab celin caalami ah oo ku aadan abaarta ka jirta dalka isla markaana la sii wadi doono dadaalada loogu hortagayo macluul ku baahda dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...