Kulan looga hadlay wax ka qabashada abaarta ka jirta dalka oo lagu qabtay Minneapolis

Date:

Kulan loogu hadlayey sidii abaaraha Soomaaliya wax loogu qaban lahaa ayaa ย lagu qabtay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, Kulankani oo ay soo qaban qaabiyeen Senator Amy Klobucher oo Gobolka Minnsota u matasha Aqalka Sanet-ka iyo Tom Emmer oo Congresska Mareykanka u matala Gobolka Minnesota ayaa waxaa shirkaasi ka soo qeyb galay heyโ€™adaha Samafalka iyo horjoogayasha jaaliyadda Soomaalida waxaana loogu hadlay sidii gacan deg deg ah loogu geysan lahaa Abaaraha Soomaaliya oo la sheegay in ay saamaysay in ka badan 6 Milyan oo Qof.

Ugu horreyn Senator Amy Klobucher oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay in madaxweynaha maraykanka uu jaray 17 bilyan oo doolar oo loogu tala galay Gargaarka caalamiga ah taasi oo saamayn xoogan ku yeelan doonto dadkii heli jiray gargaarkaasi. waxayna sheegtay in ay dhawaan u dirtay dhambaal Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

โ€œ17 bilyan waa arrin laga walaaco marka aad aragto lacag intaasi la eg waa 17 bilyan oo doolar taasi oo ka goโ€™ayso miisaaniyadda wasaradda arrimaha dibadda iyo sanduuqa kaalmada maraykanka isla markaana lacagtaasi loo kordhinayo ciidamada, mana diidani in aan yeelano ciidamo awood leh balse sida ugu wanaagsan oo saaxiibo caalami ah lagu kasban karo ayaa ah in la caawiyo marka ay kuu baahan yihiin oo dadkooda ay dhimanayaโ€. ayuu yiriย ator Amy Klobucher.

Sidoo kale Amy Klobucher oo maanka ku heysta in gobolkani ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan Maraykanka isla markaana ah dadka ay matasho ayaa sheegtay
inย halkani ku noolyihiin ย Soomaali badan oo qoysaskooda iyo saaxiibadooda ay ku nool yihiin dallkii ay ka soo hayaameen waxanaa muhiim ah in la taageero oo la badbaadiyo marka ay kuu baahan yihiin.

Dhanka kale Wakiilka Gobolka Minnesota Tom Emer ee aqalka kongerska Maraykanka ayaa sheegay in ay ย muhiim tahay in la taageero lana gargaaro dadka abaaraha ku heyso bariga Afrika wuxuuna warka intaasi ku daray in uu aaminsanyahay in kooxaha argagixisada ah sida Al-shabaab ay ka faaโ€™ideysan karto dhibaatooyinka nuucan oo kale ah.

ugu danbeyntii ayaa waxaa sidoo kale la kulmay Abdirizaak Abdi ย oo ahย  madaxa ย heyโ€™ada gargaarka ee Hon Africa ย wuxuna qabaa in xiligani ay muhiim tahay in la gargaaro dadka Soomaaliyeed oo u dhimanaya Cunto iyo biyo laโ€™aan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...