Dowladda Federaalka oo Imaaraadka uga mahadcelisay gurmadka Abaaraha dalka

Date:

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa si kal iyo laab ah uga mahadcelisay Dowladda iyo Shacabka Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) oo maalinta Jimcaha aheyd iclaamiyey u gurmadka abaaraha dalka ka jira oo dhammaan TV-yada Imaaraadka ay si toos ah (live) ugu ololeynayaan in shacabka Imaaraadka uu lacago u ururiyo Abaaraha Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo kulan gaar ah la qaatay Safiirka Imaaraadka  u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Al-Othman ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee dalka Imaaraadku uu u fidiyo Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo weliba gaar ahaan qorshaha ololaha lacag ururinta ee maalinta Jimcaha ah ee 21ka April 2017 oo dhammaan telefishinada dalka Imaaraadka ay si toos ah (live) lacag ururin ugu sameynayaan u gurmadka abaaraha Soomaaliya saacadaha 1da duhurnimo ilaa iyo 7da fiidnimo.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Soomaaliya ma iloobi doonto cid kasta oo u soo gurmata waqtigan xasaasiga ah oo ay shacabka Soomaaliyeed la tacaalayaan abaaro ba’an oo laga cabsi qabo in macluul ay dalka ka dilaacdo. Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) oo si toos ah u gar-gaara shacabka tabaaleysan ee u baahan gar-gaarka waan uga mahadcelineynaa u gurmadka waqtigan xasaasiga ah iyo u asteynta maalinta Jimcaha ee 21ka April 2017 ee dhammaan TV-yada dalka Imaaraadka ay Olole lacag ururin u sameynayaan dadka abaarahu aafeeyeen oo la filayo in 100 milyan oo lacagta Imaaraadka ah in la ururiyo.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed oo in muddo ahba kaalin firfircoon ka qaadanayey u gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen inay sii labo jibaaraan dadaalkooda oo ay Ololaha Imaaraadka ee lacag ururinta ay si xoog leh uga qeybqaataan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...