fikradaha lagu soo bandhigay Bar. TEDx Muqdisho, Live SNTV

Date:

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, hiigsigeyga waa in Muqdisho ay noqoto mid ka mid ah magaalooyinka adduunka ugu horreeya, waxaan dhiiragelinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho uga shaqeeya Iskaa Wax u Qabso.

Waxaan u mahacelinayaa dadka dedaallada Muqdisho lagu dhisayo sameeyey ee bilaabay, waxaana u istaagi doonnaa dhammaanteen sidii aan uga wada qeyb-qaadan lahayn dhismaha caasimaddeenna Somaaliyeed.

Barnaamijka Iskaa Wax u Qabso, waxaa lagu dhisay caasimadaha dalalka Suuriya iyo UK, kuwaas oo horey ugu bururay dagaalladii ย dalalkaas ka sooo dhacay, waxaย  uu intaa raaciyey in uu dhiiragelinayo ย howshaan oo Muqdisho aad muhiim ugu ah.

Wasiirka Howlaha guud iyo Guryeynta Cabaas Siraaji, aaa TEDx Muqisho ka jeediyey khudbad, waxa uu ka sheekeeyey taariikhda noloshiida.

โ€œwaxaan ku noolaa xerada qaxootiga adduunka ugu weyn ee Dha-dhab dlaka kenya, halkaas ayaan ku soo barbaaray, runtii waxaa ka jirtay xaaladda, adag, heerarka waxbarasho oo dhan ilaa jaamacadda, Gaarisa iyo Nairobi ayaan ku soo qaatay, heyโ€™adda Q.M beerahaย  qaabilsan ayaan shaqo ka helay sannadkii 2011-kii oo ay dalku ka jiree abaaro baโ€™an, waxaa muhiim ah inaan micno u yeelno taariikhdaas, si aan dadkeyga iyo dalkeyga uga faaโ€™ideeyo, waa midda ugu abuurta inaan yeesho hammi siyaasadeed, taasooย  aan ogaa in ay caqabado badan kala kulmi doonoโ€ ย ayuu yiri wasiirka howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya.

Ujeedada arrintaasi waxa uu ku tilmaamay in ay sidiiย  uu uga qeyb-qaadan lahaa isbadelka ka socdey dalka, annigana waxaan ku dedaalay sidii aan u baraarujin ย lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed, isbadelkii siyaasadeed ee doorashooyinkii Soomaaliya ka dhacay ayaana keeentay inaan maanta halkaan soo gaaro, waa tusaale ay sameeyeen dhallinyarada Soomaaliyeed ayuu raaciyey wasiirka Howlaha Guud ee Soomaaliya Cabaas Siraaji.

Naciima Abwaan Qorane, ayaa TEDx Muqdisho iyaduna ka jeediyey khudbad, waxa ay diiradda saartay, ย sida ay lagama-maarmaan u tahay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay qaataan doorkooda oo ay badbaadiyaan dalkooda, iyagoo dhan walba uย  istaagaya horumarinta, ilaalinta iyo sare u qaadidda magaca Soomaalida, Gabey ay kula hadleyso dhallinyarada ayeeyna madasha ka jeedisay.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qadar

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Cabdullaahi Bidhaan...

Soomaaliya oo 35 Sano kadib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo qaabillay wafdi ka socda Saldanadda Cummaan

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...