Xildhibaannada oo isku raacay hanaanka lagu soo dooranayo kuraasta ka maqan Baarlamaanka

Date:

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan oo shir guddoominayay kulanka Xildhibaananda ay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ayaa ugu horeyn Mudanayaasha u faahfaahiyay qaraar ka hadlaya buuxinta kuraasta ka banaan Golaha, kaasi oo ku saabsan in guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka loo wakiisho labada kursi ee Baarlamaanka ka dhiman, kuwaasi oo kala ah kursiga Xildhibaan Cabdullaahi Sanbaloolshe oo noqday Taliyaha Hay’ada Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo hal Xildhibaan oo geeriyooday.

Guddoonka ayaa codgeliyay qaraarka oo ku saabsanaa qaabka loo maamulayo kuraasta ka maqan Baarlamaanka ee dhanka guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka, waxana 128 mudane ay ogalaadeen in guddiga loo dhiibo arrinta ku aadan soo dhameystirka kurasta Baarlamaanka, halka ay diideen 16 mudane, waxaana ka aamustay lix mudane.

Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in hadda kadib kursiga Xildhibaankasta ee Banaanaada uu  ku imaan doono sida markii hore lagu soo doortay, isago intaa ku daray in wixii qilaaf ah ee ka dhasha arrintaas loo gudbin doono Maxkamadda sare ee dalka.

Dhanka kale Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Cismaan oo ka mid ahaa Xildhibaannadii keenay mooshinka ku aadan heshiiska dekadda Berbara ee lala galay dalka Isutaga Imaaraadka ayaa codsaday in ajandaha maanta lagu soo daro, si ay Xildhibaannada uga doodaan, waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka uu talo ahaan soo jeediyay, maadaama faah faahin dheeri ah laga heynin heshiiskaasi in laga warsugo dhanka Xukuumada, taasi oo ay ku raaceen Xildhibaanada.

Intaas kadib Shir guddoonka golaha shacabka ayaa waxa ay go’aamiyeen in mooshinka ku saabsan heshiiskii dekadda Berbara loo gudbiyo Xukuumadda Soomaaliya si xog dheeraad ah looga helo heshiiskaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...