Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo daah furay xafiis cusub oo lagu maareynayo arrimaha gargaarka

Date:


Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliso Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta si wada jir ah u daah furtay xarunta Qaranka iskudabaridka Arrimaha gargaarka, kaasi oo ujeedkiisuyahay nidaamka lagu hagaajinayo xiriirka iyo isu-duwida hay’adaha gargaarka iyo dowladda.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirada Warfaafinta, Caafimaadka, Xildhibaanno, safiiro iyo mas’uuliyiin ka socday hay’adaha samafalka.

Qaar ka mid ah Wakiilada Hay’adaha Samafalka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin la shaqeynta xafiiskan cusub, si loo maareeyo deeqaha loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed.

Safiirada Turkiga iyo Masar ee Soomaaliya u jooga ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay xafiiska cusub, waxaana ay balan qaadeen inay dhankooda gacan ka geysan doonaan sidii deeqaha loo marsiin lahaa xafiiskaasi.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Maryan Qaasim Axmed sheegtay in xafiiskan uu yahay mid lagu maareynayo deeqaha loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed, si aysan u dhicin is bar baryaac

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Fawziya Abiikar Nuur ayaa tilmaamtay in ka Wasaarad ahaan ay isgarab taagi doonaan xafiiskan cusub, ayna diyaar u yihiin inay howlwadeenno caafimaad u diraan meelaha dadka ku soo barkacay si loogu sameeyo adeegyo caafimaad.

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cumar Cabdiraxmaan Yariisow ayaa soo dhaweeyay hirgelinta xafiiskan, isla markaana looga fadhiyo inuu maareeyo deeqaha loogu talagalay shacabka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in sababta loo dhisay Wasaaraddu ay tahay inay odo-rasto abaaraha iyo waxyaabaha sababay musiibooyinka, iyadoo looga fadhiyo in Wasaaraddu ay keento qorshe looga hortagi karo abaaraha ragaadiyay dalka, isagoo xusay in xafiiska cusub uu wax badan ku soo kordhin doono arrimaha maareynta gargaarka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyadeeyay geerida Agaasime Ku-xigeenkii Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay Duqa Magaalada St. Louis Park ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo kulan la qaatay Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawladda...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay geerida AUN Weriye Maxamed Diiriye Dhakat

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdulfitax...