Xildhibaannada oo isku raacay hanaanka lagu soo dooranayo kuraasta ka maqan Baarlamaanka

Date:

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan oo shir guddoominayay kulanka Xildhibaananda ay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ayaa ugu horeyn Mudanayaasha u faahfaahiyay qaraar ka hadlaya buuxinta kuraasta ka banaan Golaha, kaasi oo ku saabsan in guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka loo wakiisho labada kursi ee Baarlamaanka ka dhiman, kuwaasi oo kala ah kursiga Xildhibaan Cabdullaahi Sanbaloolshe oo noqday Taliyaha Hay’ada Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo hal Xildhibaan oo geeriyooday.

Guddoonka ayaa codgeliyay qaraarka oo ku saabsanaa qaabka loo maamulayo kuraasta ka maqan Baarlamaanka ee dhanka guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka, waxana 128 mudane ay ogalaadeen in guddiga loo dhiibo arrinta ku aadan soo dhameystirka kurasta Baarlamaanka, halka ay diideen 16 mudane, waxaana ka aamustay lix mudane.

Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in hadda kadib kursiga Xildhibaankasta ee Banaanaada uu  ku imaan doono sida markii hore lagu soo doortay, isago intaa ku daray in wixii qilaaf ah ee ka dhasha arrintaas loo gudbin doono Maxkamadda sare ee dalka.

Dhanka kale Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Cismaan oo ka mid ahaa Xildhibaannadii keenay mooshinka ku aadan heshiiska dekadda Berbara ee lala galay dalka Isutaga Imaaraadka ayaa codsaday in ajandaha maanta lagu soo daro, si ay Xildhibaannada uga doodaan, waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka uu talo ahaan soo jeediyay, maadaama faah faahin dheeri ah laga heynin heshiiskaasi in laga warsugo dhanka Xukuumada, taasi oo ay ku raaceen Xildhibaanada.

Intaas kadib Shir guddoonka golaha shacabka ayaa waxa ay go’aamiyeen in mooshinka ku saabsan heshiiskii dekadda Berbara loo gudbiyo Xukuumadda Soomaaliya si xog dheeraad ah looga helo heshiiskaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirweynaha 7-aad ee Xeer Ilaaliyaasha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho 

Shirweynaha 7-aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed, ayaa maanta ka...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Garsoorka Masar

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed,...

Madaxweynaha JFS oo Saxiixay Sharciga Xeerka Shaqada Soomaaliyeed 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud,...

Maareeyaha guud ee Hay’adda NIRA oo qaabilay qaabilay Madaxa Hay’adda IOM

Maareeyaha Guud ee Hay'adda Nidaamka Aqoonsiga iyo Rasiidhinta (NIRA),...