Jawaahir Baarqab โ€œHaweenku waxay gacan weyn ka qaadan doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaabโ€

Date:

Muqdisho-(SONNA)- Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay inay soo dhaweynayaan goโ€™aannada dowladda ee ku aadan ciribtirka Al-Shabaab, la dagaallanka musuq maasuqa iyo faqriga, ayna diyaar u yihiin inay doorkooda ka qaataan kaalinta uga aadan arrintaan

Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo la hadashay Radio Muqdisho ayaa sheegtay in haweenku ay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan kaalinta uga aadan sidii dalka oo dhan looga cirib tiri lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Marwo Jawaahir waxay xustay inay soo dhaweynayaan kormeerka Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu ku tegayo xarumaha hayโ€™adaha dowladda, si uu ugu kuurgalo hanaanka shaqo ee hayโ€™adaha dowladda, waxayna ay ku tilmaamtay inay tahay tallaabo ku dayasho mudan.

Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir ayaa haweenka Soomaaliyeed ka codsatay inay la shaqeeyaan laamaha amniga ee dowladda, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hayโ€™adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo Degamda Kaaraan maanta ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen...