Safiirkii hore ee Safaaradda Soomaaliya u fadhiyay Wadanka Kenya oo xilka wareejiyay

Date:

Dajnirihii hore ee safaaradda Soomaaliya u fadhiyay Wadanka Kenya, haatanna ah Wasiirka Qosheynta, Maalgashigga iyo Horrumarinta dhaqaalaha  Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta xilka safiirnimo si KMG ah ugu wareejiyay qunsulka safaaradda mudane Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi, kaddib munaasabad lagu qabtay xarrunta safaaradda.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Xasan Abshir Faarax, safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Indonesia, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, diblomumaasiyiin iyo shaqaalaha Safaaradda.

Jamaal Maxamed Xasan ayaa galka safaaradda ku wareejiyay Mudane Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi oo ah ku simaha safiirka ahna qunsulka safaaradda, waxaana warbaahinta si wadajir ah ula hadlay safiirkii hore ahna Wasiirka Qosheynta, Maalgashiga iyo Horrumarinta dhaqaalaha   Mudane Jamaal iyo C/raxmaan Kampala oo ah safiir ku xigeenka ahna qunsulka koowaad ee magacaaban.

ku simaha safiirka ahna qunsulka safaaradda Mudane Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi oo isna goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay Danjire Jamaal, isagoo ku ammaanay wax qabad mudadii uu xilka safariinimo hayay.

Ugu dambeyn ku simaha safiirka ahna qunsulka safaaradda Mudane Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi  ayaa shahaado sharad goobta ku guddoonsiiyay safiirkii hore ee safaaradda Soomaaliya ee wadanka Kenya, taas oo ku saabsaneyd wax qabadka dajirihii hore ee Wadanka Kenya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...