Safiirkii hore ee Safaaradda Soomaaliya u fadhiyay Wadanka Kenya oo xilka wareejiyay

Date:

Dajnirihii hore ee safaaradda Soomaaliya u fadhiyay Wadanka Kenya, haatanna ah Wasiirka Qosheynta, Maalgashigga iyo Horrumarinta dhaqaalaha  Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta xilka safiirnimo si KMG ah ugu wareejiyay qunsulka safaaradda mudane Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi, kaddib munaasabad lagu qabtay xarrunta safaaradda.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Xasan Abshir Faarax, safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Indonesia, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, diblomumaasiyiin iyo shaqaalaha Safaaradda.

Jamaal Maxamed Xasan ayaa galka safaaradda ku wareejiyay Mudane Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi oo ah ku simaha safiirka ahna qunsulka safaaradda, waxaana warbaahinta si wadajir ah ula hadlay safiirkii hore ahna Wasiirka Qosheynta, Maalgashiga iyo Horrumarinta dhaqaalaha   Mudane Jamaal iyo C/raxmaan Kampala oo ah safiir ku xigeenka ahna qunsulka koowaad ee magacaaban.

ku simaha safiirka ahna qunsulka safaaradda Mudane Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi oo isna goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay Danjire Jamaal, isagoo ku ammaanay wax qabad mudadii uu xilka safariinimo hayay.

Ugu dambeyn ku simaha safiirka ahna qunsulka safaaradda Mudane Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi  ayaa shahaado sharad goobta ku guddoonsiiyay safiirkii hore ee safaaradda Soomaaliya ee wadanka Kenya, taas oo ku saabsaneyd wax qabadka dajirihii hore ee Wadanka Kenya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...