Jawaahir Baarqab “Haweenku waxay gacan weyn ka qaadan doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab”

Date:

Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay inay soo dhaweynayaan go’aannada dowladda ee ku aadan ciribtirka Al-Shabaab, la dagaallanka musuq maasuqa iyo faqriga, ayna diyaar u yihiin inay doorkooda ka qaataan kaalinta uga aadan arrintan.

Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo la hadashay Radio Muqdisho ayaa sheegtay in haweenku ay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan kaalinta uga aadan sidii dalka oo dhan looga cirib tiri lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Jawaahir Baarqab ayaa xustay inay soo dhaweynayaan kormeerka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu ku tegayo xarumaha hay’adaha dowladda, si uu ugu kuurgalo hanaanka shaqo ee halkaasi ka socda, waxaana ay ku tilmaamtay inay tahay tallaabo ku dayasho mudan.

Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir ayaa haweenka Soomaaliyeed ka codsatay inay la shaqeeyaan laamaha amniga ee dowladda, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...