Kulan looga hadlayay Tayaynta hay'adaha Dowladda oo lagu qabtay Muqdisho+ Sawirro

Date:

Muqdisho-(SONNA)- Kulanka oo looga hadlayey Mashruuca Tayeynta hay’adaha dowladda oo uu maal galinayo Bankiga Aduunka waxaa ka qayb galay wasiiro katirsan xukuumadda Federaalka ah, agaasimayaal, madaxda guddiga shaqaalaha rayidka xubno matalayey Bankiga dhexe iyo masuuliyiin ka socday xafiiska  ra’iisul wasaaraha.

Mashruuca oo isku dabaridkiisu uu leeyahay xafiiska Wasiirka koowaad ayaa dhinacyada ka qayb galay lala wadaagay xog ku saabsan halka uu ka soo bilowday mashruuca Tayaynta Hay’adaha dowladda, hadafka laga leeyahay iyo doorka ay ku yeelanayaan dhinacyada ka qayb galay kulanka.

Wasiiru- dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdullahi Xaamud ayaa warbaahinta u sheegay in kulankaN uu yahay wargalin iyo xog la wadaagis wasiirada cusub oo door ku leh mashruuca tayaynta hay’adaha dowladda.

Hadafka ugu wayn ee mashruuca tayaynta Hay’adaha dowladda ayaa ku salaysan sare u qaadista iyo horumarinta howlaha ay hayaan hay’adaha dowladda , sida uu mar kale sheegay Mudane Cabdullaahi Xaamud wasiiru dowlaha xafiiska Raiisul wasaaraha.

Dowladda Soomaaliya oo xiligan ku howlan dar dar galinta howlaha qaranka ayaa wada qorshayaal kaalin ka qaadanaya dhismaha iyo sare u qaadista shaqada hay’adaha dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyay Shir looga hadlay Xoojinta Amniga Deegaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Dowladda oo Shaacisay xiliga la qabanayo Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka G/Banaadir

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed ee da’doodu ka yar tahay 17-sano oo galabta sameynaya taariikh cusub

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay...

Guddoomiyaha SoDMA oo xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Siyaasadda Towfiiq

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...