Dowladda Federaalka oo dhiirigelineysa Bandhigga TEDxMogadishu 2017

Date:

Mogadishu, 19 April 2017 – Wasiirka Warfaafinta ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Hay’ada TEDxMogadishu ayaa soo dhoweeyey isla markaasna dhiirigeliyey Bandhiga TEDxMogadishu oo maalinta Khamiista 20ka April 2017 laguna qaban doono Muqdisho, Soomaaliya.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “TEDxMogadishu waxey ku ammaananyihiin doorkooda ay bulshada ku gaarsiinayaan horumarka dalka ka jira oo ay marwalba ku soo bandhigaan sawiro, barnaamijyo, farshaxan, sawir gacmeed iyo sida ay marwalba uga shaqeeyaan isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed. Dowladda Federaalku waxey aad u soo dhoweyneysaa Bandhiga TEDxMogadishu ee sanadkan oo ay mowduuc uga dhigeen Iskaa Wax U Qabso si bulshada loogu dhiirigeliyo inay dalkooda dhistaan.”

Caasimadda Muqdisho ayaa ah mid dib u soo bilicday oo bulshada Soomaaliyeed ay ku muujiyeen sida ay wax u qabsan karaan, oo dhalinyarada, ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshadu ay maalin walba door ka qaataan quruxda iyo bilicda Muqdisho iyo gobollada kale.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Soomaalidu waa dad ku fiican ganacsiga, is-dhexgalka, is-kaalmeynta iyo gancsi-wadaaga oo keentay in shacabku ay dalkooda dib u dhistaan. Waxaana farxad ah in TEDxMogadishu ay sanadkan 2017 mowduuca ay xusheen uu noqday Iskaa Wax U Qabso oo Soomaalida taariikh weyn ku leh, ahaana mashruucii dalka lagu soo dhisay oo ay bulshadu si hagar la’aan ah uga wada qeybqaateen. Maantana waxaa la joogaa waqtigii dib loo soo nooleyn lahaa barnaamijkaas Iskaa Wax U Qabso.”

Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa si toos (live) ah u soo tabin doona bandhiga TEDxMogadishu, Khamiista 20ka April 2017, iyadoo qof walbana laga codsanayo inuu kaalin ka qaato sidii quruxda iyo horumarka dalka ka jira loo gaarsiin lahaa caalamka si fikirka laga qabo Soomaaliya loo saxo. Soomaaliya Soomaali baa iska leh, sidaas daraadeed qof kale kuuma qabanayo howshaada oo ah soo celinta sharafta iyo karaamada ummada Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha
media@moi.gov.so ama sidiqfaarax@gmail.com

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...