Kulan looga hadlaayey Tayeynta Hay’addaha Dowlada oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Date:

Kulanka oo looga hadlayey Mashruuca Tayeynta hay’adaha dowladda oo uu maal galinayo Bankiga Aduunka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro katirsan Xukuumadda Federaalka ah, Agaasimeyaal, Madaxda Guddiga Shaqaalaha Rayidka xubno matalayey Bankiga Dhexe iyo masuuliyiin ka socday xafiiska  Ra’iisul wasaaraha.

Mashruuca oo isku dabaridkiisu uu leeyahay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinacyada ka qeyb galay lala wadaagay xog ku saabsan halka uu kasoo bilowday mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dowladda, hadafka laga leeyahay iyo doorka ay ku yeelanayaan dhinacyada ka qeyb galay kulanka.

Wasiiru Dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdullahi Xaamud ayaa warbaahinta u sheegay in kulanka uu yahay wargalin iyo xog la wadaagis Wasiirada cusub oo door ku leh mashruuca tayeynta Hay’adaha Dowladda.

Hadafka ugu weyn ee mashruuca tayeynta Hay’adaha dowladda ayaa ku saleysan Sare u qaadista iyo horumarinta howlaha ay hayaan Hey’adaha Dowladda , sida uu mar kale sheegay Mudane Cabdullaahi Xaamud Wasiiru Dowlaha xafiiska Raiisul Wasaaraha.

Dowladda Soomaaliya oo xiligan ku howlan dar dar galinta howlaha qaranka ayaa wada qorshayaal kaalin ka qaadanaya dhismaha iyo sare u qaadista shaqada hay’adaha dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...