Guddoomiyaha xiriirka kubadda Cagta ee Qaaradda Afrika oo la sagootiyay

Date:

Xildhibaanno, mas’uuliyiinta xiriirkada kala duwan ee cayaaraha ayaa maanta sagootiyay Wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Xiriirka kubadda Cagta ee Qaaradda Afrika Axmed Axmed, kaasi oo shalay soo gaaray Muqdisho, waxaana uu kulamo kala duwan la qaatay Madaxda dowadda.

 Wasiir ku-xigeenka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Cumar Islow ayaa sheegay in maanta ay garoonka Aadan Cadde ay ka sii sagootiyeen wafdi uu hogaaminayay

“Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee Qaaradda Afrika, runtii 16-ka bishii hore ayaa la doortay, waxaana uu balan qaaday in safarkiisa ugu horeeya uu ku imaanayo Muqdisho, runtiina waa uu ka dhabeeyay, haddana waxaan ka sagootinayeynaa garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Dhallinyarada iyo Cayaaraha.

Madaxweynaha kubbadda cagta Qaaradda Afrika ayaa kormeeray garoomada kubada cagta sida, garoonka kubadda cagta ee Jaamacadaha, Kan Muqdisho oo fariisin u ah ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo Benaadir.

Tani waxa ay noqoneysaa booqasho taariikhi ah, waxanna ay u gogol xaareysaa booqashadda madaxweynaha FIFA oo isna lagu waddo inuu yimaado Soomaaliya bilaha soo socdo.

Axmed Axmed oo u dhashay Madagascar ayaa la doortay 16-kii bishii hore, waxanna uu helay codad gaaraayo 34 halka Ciisa Xayaatu oo la tartamayay uu helay isna codad dhan 20.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...