Xubnaha Barlamaanka ee Aqalka sare ayaa kulan la yeeshay guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka

Date:

Xubnaha baarlamaanka ee Aqalka sare ayaa maanta kulan la yeeshay guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, kaas oo ku saabsanaa soo gudbinta warbixin sanadeedka guddiga.

Mudaniyaasha baarlamaanka Aqalka sare oo kulanka joogay ayaa su’aalo ku aadan shaqada guddiga iyo warbixinta ay soo gudbiyeen weydiiyeen guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka mudane Khaliif C/kariim Maxamed, ayaa ugu jawaabay su’aalaha ay weydiiyeen mudaniyaasha Aqalka sare.

Ugu dambeyntii mudane Cabdi Xaashi C/laahi, oo ah guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka jamhuuriyadda Soomaaliya oo kulanka shir guddoominayay ayaa u mahadceliyay xubnaha guddiga madaxa banaan sida ay ula wadaageen warbixinada ku aadan arimaha xuduudaha iyo hanaanka federaalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...