Maalinta dhir beerista Qaranka oo la xusay

Date:

Munaasabad kooban oo lagu xusayay maalinta dhir beerista qaranka oo maanta lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Xanaanada  Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ayaa waxaa ka qeyb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa agaasimaha guud ee wasaarada iyo agaasime waaxeedyada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa, Dr. Maxamed Cumar Nuur, ayaa ka hadlay muhiimada dhirta ay noolaha u leedahay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo beeraha ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay ka imaan karto jerista dhirta.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo daaqa ee dowladda Soomaaliya, C/kariim Khaliif Dalac, ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan ololaha dhir beerista soomaaliyeed ,wuxuuna sheegay in qof walba looga baahanyahay in gurigiisa uu dhir ku beero.

Sanad walba laga bilaabo 10,ka bisha afaraad waxaa guud ahaan dalka laga xusaa todobaadka dhir beerista qaranka ,iyadoo marka la gaaro 17,ka April,na la qabto munaasabad lagu xusayo maalmahaas dhir beerista qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...