Khubaddii madaxweyne Farmaajo ee xuska ciidanka Xoogga

Date:

Qeybta khudbadaha ย munaasaadda xuska sannadguurada 57-aad ee aaska aaska ciidammada xoogga dalkaย  Soomaaliyeed ee ay ka qeyb-galeen madaxweynaha iyo Raโ€™iisul wasaaraha Soomaaliya.

Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe, ayaa sheegtay in ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay cagta sareen wadadii isku filnaanshaha, iyadoo si gaar a ugu hambalyeysay gabdhaha ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed.

S/Gaas Axmed Jimcaale Geeddi taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa khuddabaddiisa ugu hambalyeeyey guud ahaan qeybaha ciidanka Xoogga dalka sannad-guurada 57aad ee aas-aaskooda 12-ka Abriil 1960kii.

โ€œCiidanka waxaa lagu aas-aaskay saraakiil laga soo wareejiyey ciidanka Booliska Soomaaaliyeed, waa taariikh muhiim ah, u jeedada abuurista Xoogga dalka waxa ay aheyd in uu difaaco qarannimada ummadda Soomaaliyeed, kaalinta ciidankaanna cidi kama qarsana, waxa uu ka qeyb-qaatay ciidanka dib u dhiska dalka tababarrada bulshada si ay u helaan Xirfado ay ku shaqeystaan, waxaan maanta ku jirnaa dib u dhiskii ciidanka, waxaan u mahadcelinayaa dowlaha saaxiibada ah, taariikhdeenna waxaa ka mid ah inaan tababarnay dowlado xorriyaddooda u dagaallamayey, waxaan rajeynayaa inaan si deg deg ah ugu laabanno wadadaasi INSHA ALLAH, ayuu yiri taliyaha Xoogga dalka Soomaaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaaliya, ayaa u hambalyeeyey ciidanka Qalabka sida oo dhan ee dagaalka kula jira cadowga ummadda Soomaaliyeed sannadguurada 1-ka April, waxa uu intaa raaciyey in dhammaan ciidanka ay kaalin weyn ka geystaan gurmadka abaaraha iyo dagaallanka kooxha nabadda-diiddan, waxa uu rajeeyey in dhowaan la qaadi doono tallaabooyin adag oo ka dhan ah cadowga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa khubaddiisa ku bilaabay salaan guud oo uu u diray ciidammada Qalabka sida uguna hambalyeeyey sannad-guurada 57-aad ee aas-aaskooda.

โ€œummadda Soomaaliyeed waxa ay naga sugeysaa inaan soo celino nabaddii iyo degnaashihii dalka oo dhan, ciimmada Xoogga marxalado ay ka mid ahaayeen inย  ย loo diro dalal aan saaxiibo nahay si aan u caawinno, maanta annaga ayaa ciidan saaxiibo ah na garab taagan yihiin, waxaan halkaan ka jeedinayaa laba arrin oo muhiim ah, dowladdaan sida loo doortay waxaa ALLE nagu guuleeyey in ย ay si rasmi ah u biloowdey shaqadeedii in isbadelna ย lagu seemeeyey hoggaannada talisyada ciidammada Qalabka Sida, waana inaan keennaa in dalka nabadgalyo laga dhigo, waxaan aaminsanahay inaan gaari karno yoolkaas, khibrad dheer ayaan u leenahay, qorshihii Al-Shabaab looga saaray xiligii KMG-ka ahaa Muqdisho ayaan adeegsan doonnaa,ย  ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muhiim ay tahay taageerada shacabka si ay u guuleystaan ciidammada Qaranka, aniga iyo guud ahaanย  heyโ€™adaha dowladdana inaan si dhammeystiran u dhisno ciidammada Qalabka sida, ayaa naga goโ€™an ayuu ku daray

 

Madaxweynaha ayaa u yeeray saraakiishii hoggaamineysay dagaalkii Al-Shabaab looga saaray Muqdisho intii ay socotay munaasabadda xuska ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, raggaas waxa uu sheegay in ay yihiin saraakiishii ugu hoggaanka fiicneyd, sidaas darteed mar kale ayeey sameyn doonaan qorshe adag oo ka dhan ah Al-Shabaab, si dalka looga saaro.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in dhismaha ciidanku ay sal u tahay hoggaan wanaagsan, waxan ku dedaaleynaa inaan si joogto ah u bixinno mushaaraadkooda, daryeelkooda iyo akhbaakhdooduna waan hagaajin doonnaa ayuu raaciyey madaxweynaha.

Shacabka ayuu madaxweynaha ugu baaqay in ay dib u billaabaan abaabulkii ay ku taageerayeen ciidammada Qalabka Sida, waxa uu sheegay in muddo laba sanno ah dalka oo dhan laga saari doono Al-Shabaab, dowladduna aysan marnaba dib uga soo laaban doonin gooobaha ay gacanta ku dhigaan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Mar kale ayuu ugu baaqay madaxweynaha dhallinyarada Al-Shabaab ay marin habaabiyeen in ay ka soo laabtaan kooxdaasi, waxa uu ballan-qaadey madaxweynaha in ay heli doonaan daryeel iyo mustaqbal wanaagsan, horjoogeyaasha Al-Shabaabย  ayuu ugu yeeray in ay fursadda dowladda ay siisay ay ka faaโ€™ideystaan inta anaan goobaha ay joogaan loogu tegin.

โ€œaniga ma iclaaminin dagaal ee waxaan sheegay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, waana inaaย  u diyar garownaa sidii aan dalkeenna uga qabsanย  lahayn Al-Shabaab, dowladda waxaa ka goโ€™an iyadoo dagaal ku jirtain ay dhaqaalaha kobcineyso, shaqo abuur sameyso, ย dowladda iyo shacabka haddii ay meel ka soo wada jeestaan waan ku guuleysan karnaa hiigsigisaasiโ€ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Musuq-maasuqa waxa uu sheegay in si joogta ah loola dagaamayo, dowladda Soomaliya kama shaqeyn doono qof tuug ah ayuu yiri madaxweynaha.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa u yeeray Gabar ka tirsan Xooggaย  dalka oo ku dhaawacmatay dagaal, waxa uu sheegay in dowladda ay caafimaadkeeda dammaanad qaadeyso Gabadhaasi

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale