Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Ciidanka Xoogga ugu Hanbalyeeyey Munaasibadda 12 –ka April

Date:

Muqdisho, April 12, 2017—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ugu hanbalyeeyey munaasibadda sanadguurada 57aad ee maalintii la asaasay Ciidanka Xoogga ee 12-kii April, sannadkii 1960-kii. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay yihiin dhidibada uu ku taagan yahay Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay taariikh weyn ku leeyihiin dalkeenna.

Mudane Xasan Cali Khayrre ayaa ku amaanay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya dadaalka naf-hurnimada ah ee ay u samaynayaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka hooyo, isla markaana loo cirib-tiri lahaa kooxaha sharka iyo argagaxisada ee caqabadda ku ah nabadda iyo horumarka Soomaaliya. Waxana uu balanqaaday in Xukuumaddiisu ay xil weyn iska saari doonto daryeelka iyo xuquuqda ciidamada si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.

“Waxaan halkaan hanbalyo ballaaran uga dirayaa saraakiisha, saraakiil-xigeenka, dableyda iyo qoysaska Ciidanka Xoogga, waxaan ugu hanbalyeynayaa munaasibada 12-ka April. Waxaan ciidankeenna geesiyaasha ah u rajaynayaa horumar iyo inay ku guuleystaan hawlaha iyo waajibaadka qaran ee loo igmaday” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu

“Ciidanku Xooggu waa astaan qaran iyo tiirarka adag ee uu ku taagan yahay dalkeennu. Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxay leedahay muhiimad gaar ah, runtii, dal aan Ciidan xooggan lahayn ma dhismi karo, mana horumari karo. Xukuumadaydu wax dadaal ah lama hari doonto si loo helo daryeel iyo xuquuq joogto ah oo ay yeeshaan ciidankeennu”. Ayuu raaciyey

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali KHayre ayaa ugu baaqay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya inay laba jibaaraan dadaalada lagu xaqiijinayo ammaanka dalka, isla markaana meesha looga saarayo kooxaha nabadda diidan.

—-DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...