Eng. Yarisow “Turkiga waa wallaal si kal iyo laab ah u taageera Soomaaliya”

Date:

Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow)  Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya H.E. Olgan Baker oo ay ka wada hadleen horumarinta warbaahinta dalka iyo sidii Wasaarada looga saacidi lahaa fulinta qorshaheeda sida hirgelinta Wacyigelinta bulshada.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa marka hore uga mahadceliyey Safiirka doorka ay Turkiga ka cayaarto Soomaaliya oo uu sheegay in wadamada kale looga baahanyahay inay ku daydaan oo ay si toos ah Dowladda Federaalka iyo shacabka ay u soo gaarsiiyaan taageeradooda, Eng. Yarisow ayaa yiri “Turkiga waa wallaal si kal iyo laab ah u taageera Soomaaliya.”

Kulanka maanta uu Wasiirka Warfaafinta la qaatay Safiirka Turkiga ayaa ah dadaalo uu beryahan waday Wasiirka oo uu ku xoojinayo xiriirka dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya si taageero loogu helo qorsheyaasha wasaarada warfaafinta oo uu Wasiirku damacsanyahay inuu dib u habeyn weyn ku sameeyo Wasaarada iyo howlaheeda si loo hirgeliyo maamul wanaag kalsooni gelin kara shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...