Askar kamid noqoneysa Kumaandooska dalka oo tababar loo soo xirey

Date:

Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya mudane Cabdi Rashid C/laahi Maxamed ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Kumaandoos ciidanka xooga dalka oo lagu tababarey xero ciidan oo ay maamulaan dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta oo ku taala magaalada Muqdisho.

Munaasabada tababarka loogu soo xireyay ayaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay waxaa kamid ahaa wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta daweynaha ee xukuumadda Soomaaliya mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) iyo mas’uuliyiin kale.
Ciidamada Kumaandooska ee tababarka loo soo xirayay ayaa munaasbada kusoo bandhigay dhoolo tusyo cajiib ah ay la dhaceen mas’uuliyiinta kala duwan ee halkaasi ku sugneed, waxayna ciidamada muujiyeen awooda ay leeyihiin.

Qaar kamid ah ciidamadii tababarka loo soo xiray oo kaalmaha hore ka galay tababarka ayaa la guddoonsiiyay abaal marino, waxaana ciidankan ay ahaayeen kuwa u badan dhalinyaro aan qaarkood laheyn wax balwad ah muuqaal ahaana jirkoodu uu dhisnaa.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Cabdi rashid C/laahi Maxamed oo munaasabada ka hadlkay ayaa uga mahad celiyay dowlada Imaaraatka Carabta tababarka ay siiyeen ciidankan katirsan Kumanadooska Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Wasiirku in ay ciidankan yihiin kuwa u diyaarsan in dalka ka xoreeyaan cadowga , waxa uuna ku booriyay ciidankan cusub in ay noqdaan wadaniyiin u istaaga difaaca dalkooda ,diintooda iyo dadkooda.

Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ay dowladda Soomaaliya ka gacan siiyaan dib u dhiska ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, ayagoo sidoo kale dalka ka fuliya mashaariic horumarineed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...