Wefdi ay Hoggaaminayso Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka oo gaaray Beydhabo

Date:

Muqdisho(SONN)-wefdi ay hoggaaminayso Wasiirka  Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed  oo ay kamid yihiin wafdi ka socday Dowladda Qatar oo uu hogaaminayey Sheekh Xamed Bin Fahad  Al Thani oo ka mid ah qoyska boqortooyadda dalkaas iyo mas’uuliyiin kale ayaa gaaray magaalada Beydhaba ee Gobolka Baay.

Wafdiga ay hoggaamineyso wasiirka  gargaarka iyo maaraynt  Musiibooyinka ayaa  kulan muhiim ah la yeeshay  Madaxwenaha Dowlad Gobolleedka Koon fur Galbeed Soomaaliya iyagoo kawada hadlay ka shaqaynta sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay abaaruhu sameeyeen ee ku nool deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay wefdiga gaareen xiryaha dadka Barakacayaasha ah ee ku yaalla duleedka magaalada ee ka mid ah dadka ay abaaruhu saameeyeen  iyagoo kormeeray xaaladda dadkaas.

Dhanka kale waxaa jira deeq dowladda Qadar ay u qeybin doonto qoysaska qaar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...