Mareykanka oo sheegay in maraakiib dagaal uu  geynayo  Gacanka Kuuriya

Date:

Madaxda ciidamada Mareykanka ayaa amar ku bixiyay in maraakiib dagaal oo koox ah ay u dhaqaaqaan dhanka gacanka Kuuriya kadib walaac soo kordhaya oo la xiriira horumarinta gantaalada tijaabada ah ee ka imaanaya Woqooyiga Kuuriya.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Pacific ayaa ku macneeyay in daadgureynta maraakiibta dagaal ee galbeedka Pacific,ay tahay tallaabo loo qaaday si  miyir ak oo lagu ilaalinayo danaha gobolka.

Madaxweynaha Mareykanka Mr.Trump,ayaa sheegay in diyaargarowga ay sameynayaan ay tahay mid ku kooban iyaga,isla markaana ay doonayaan in ay kula macaamilaan halista hubka niyuklerka ee dhinaca W/Kuuriya.

Maraakiibta dagaal ee la geynayo gacanka Pacific  ayaa  isigu jira kuwo xambaara diyaaradaha,nuuca laga rido gantaalaha Kuruuska,kuwa burburiya gantaalada iyo maraakiib kale oo caawiyaal

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....