Maraykanka Oo Weli Wada Dib Usoo Celinta Soomaalida Ku Nool Dalkaas

Date:

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka maraykanka Axmed Ciise Cawad  ayaa sheegay in dowladda maraykanka  ay waddo qorshe dalkeeda ay uga musaafurineyso Soomaali gaaraysa 4’000″  afar kun oo ruux oo soomaali ah.

Safiirka ayaa sheegay  in Dowladda Maraykanka ay waddo qorshayaal dalkeeda ay uga soo celineyso dadka Soomaaliyeed ee mudda ku noolaa dalkaas.

“Waxaa jira dad hadda ku sugan goobaha laga diiwaan geliyo dadka la musaafurinayo oo gaaraya 300 oo soomaali ah kuwaas oo sugaya in dalkooda dib loogu soo celiyo waxaa kaloo jira howlgalkii ugu dambeeyay ee hay’adaha  Socdaalka in lagu soo qabtay dad gaarayay 80 ruux oo uu ku jiro nin Soomaali ah” Ayuu yiri  Safiir Axmed Ciise Cawad .

Dowladda Maraykanka ayaa horay u diiday in dalkeeda ay ku noolaadaan dad ka soo jeeda 6 wadan oo soomaaliya Qayb ka ahayd waxaana xilligaas wixii ka dambeeyay dalka dib loogu soo celiayay Soomaali muddo ku nooleyd maraykanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...