Roobab dadka iyo Duunyada ay ku diirsadeen oo ka da’ay deegaanno hoos yimaada Gobolka Shabeellaha Dhexe

Date:

Roobabkan ayaa shalay ilaa xalay  ka da’ay deegaanka gongo oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe kaas oo saameeyay  qoysaska dantayar ee deegaankaas iyo deegaannada kale ee ku dhow ku nool.

Sahro Xuseen oo ka mid ah dadka Tuulada Gongo oo la hadashay Radio Muqdisho ayaa sheegtay in Roobabk ay saameeyeen dadka ku nool Guryaha ka sameysan Bacaha iyo xooshadaha  isla markaana  roobku uu watay  dabeylo  xooggan.

“ Roobkii shalay iyo xalay noo da’ay waxa uu saameeyay qoysaskeenna, guryaheennii waxaa ka biibay jiinkadihii saarnaa  kaddib dabeylo xoogga uu watay roobka oo saameeyay, banaanka ayaan hadda jiifnaa waxaan u baahannahay  caawimaad” ayay tiri Sahro oo ka mid ah dadka tuulada gongo.

Inkastoo muddo la sugayay roobabkaan uuna ku soo aaday xilli abaaro xooggan uu dalku ka jiro ayaa hadana waxa uu saameeyay dadka Danta yar ee ku nool Guryaha aanan awoodin in ay iska Celiyaan Dabeylaha uu roobku wato.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...