Roobab dadka iyo Duunyada ay ku diirsadeen oo ka da’ay deegaanno hoos yimaada Gobolka Shabeellaha Dhexe

Date:

Roobabkan ayaa shalay ilaa xalay  ka da’ay deegaanka gongo oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe kaas oo saameeyay  qoysaska dantayar ee deegaankaas iyo deegaannada kale ee ku dhow ku nool.

Sahro Xuseen oo ka mid ah dadka Tuulada Gongo oo la hadashay Radio Muqdisho ayaa sheegtay in Roobabk ay saameeyeen dadka ku nool Guryaha ka sameysan Bacaha iyo xooshadaha  isla markaana  roobku uu watay  dabeylo  xooggan.

“ Roobkii shalay iyo xalay noo da’ay waxa uu saameeyay qoysaskeenna, guryaheennii waxaa ka biibay jiinkadihii saarnaa  kaddib dabeylo xoogga uu watay roobka oo saameeyay, banaanka ayaan hadda jiifnaa waxaan u baahannahay  caawimaad” ayay tiri Sahro oo ka mid ah dadka tuulada gongo.

Inkastoo muddo la sugayay roobabkaan uuna ku soo aaday xilli abaaro xooggan uu dalku ka jiro ayaa hadana waxa uu saameeyay dadka Danta yar ee ku nool Guryaha aanan awoodin in ay iska Celiyaan Dabeylaha uu roobku wato.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...