Madaxweyne Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo oo Isutagga Imaaraadka  Carabta u ambabaxay

Date:

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta u ambabaxay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta iyadoo safarka uu maanta dalka uga  ambabaxay ay tahay safarkiisii afaraad ee dibada uu ugaga baxo dalka tan iyo markii uu  ku guuleystey doorashada Madaxweynaha Soomaaliya horaantii bishii Febraayo.

Booqashada uu ugu ambabaxay Imaaraadka Carabta ayaa la xiriirta sidii uu madaxda Imaaraadka Carabta ugala hadli lahaa arrimo la xiriira xiriirka labada dal, iskaashiga ka dhaxeeya ee dhinacyada dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wefdigiisa,  ayaa la filayaa in si weyn loogu soo dhoweeyo waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...