Dadaallo loogu gurmanayo dadka ay abaartu saameysay oo ka socoto dalka Mareykanka

Date:

Gobolka Minnesota oo ah Gobolka ugu badan oo ay Soomaalida Maraykanka degan tahay ayaa weli waxaa ka socda dadaallada loogu gurmanayo abaaraha baahsan ee laga soo sheegayo dalka Soomaaliya, hadaba kulan ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen Hey’adaha Hilaac Foundation, Minnesota Community of Africa People with Disablities, Feed my Starving children iyo Hey’adda Matter  ayaa waxa ay kusoo bandhigeen ilaa shan kunteenar oo ay ku jiraan Cunto Nafaqo leh oo loogu tala galay in la gaarsiiyo Abaaraha Soomaaliya.

Luul Cali Cismaan oo ah madaxa hey’ada Hilaac Foundation ayaa sheegtay in deeqdani ay si toos ah u gaarsiin doono dadka abaaraha ay samaysay isla markaana ay balan qaaday in ay soo gudbin doonto cadeynta iyo meelaha ay ka qeybineyso  Raashiinkani.

Sheekh Xasan Jaamici oo ka mid ah culimada ugu caansan Maraykanka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay iyaga laga doonayo in ay iscaawiyaan, isagoo ka codsaday dadkii ka soo qeyb galay munaasabadani in ay la baxaan sadaqada oo ay u gurmadaan abaaraha ka jira Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee waxaa sii kordhaya dadaallada Caalamiga ah ee la doonayo in loogu gurmado dadka ay abaaruhu aafeeyeen, waxaana ilaa iyo inta aan ka warqabno dalkani Maraykanka laga diray lacag ku dhaw hal milyan iyo bar doolar

Liban Hussein

Warbahinta Qaranka Minneapolis

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...